Mucaaradka Somaliland oo dib u dhigay banaanbax ay maanta qabanayeen

June 11 (Jowhar.com)-Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa xalay kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ugaga dhawaaqay iney dib u dhigeen banaanbax ay hore u iclaamiyeen iney maanta qabanayaan, kaasoo ay ku dalbanayeen in doorashada waqtigooda ay ku dhacaan iyagoi ka soo horjeeda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Xirsi Cali Xasan oo suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay iney sababta ay dib ugu dhigeen banaanbaxa uu yahah iney fursad siiyaan guddi u istaagay iney u kala dab qaadaan iyaga iyo xukuumadda, wuxuuna raja wanaagsan ka muujiyay inuu guuleysto waan waanta laga dhex wado.

“Inta muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno mudaharaadka, laakiin waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhexdhexaadinayay ay naga codsadeen maalmo kooban in aanu hakino mudaharaadka sidaa darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada.” ayuu suxufiyiinta u sheegay.

Mr. Xirsi ayaa dhinaca kale u sheegay taageerayaashooda iney xili kasta heegan u ahaadaan muujinta dareenkooda, isagoo carabka ku adkeeyay in hadii uu fashilmo wadahadaladan ay halkooda ka sii wadayaan mudaharaadyada ay xaqooda dastuuriga ah ku raadsanayaan.

“Hadii wada-hadalkaa iyo dhexdhaxaadintu ay midho dhal noqon waydo waxaanu sii wadaynaa mudaharaadada aanu ku muujinayno wax aanu diidanay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xirsi.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhankiisa xaqiijiyay dib u dhaca banaanbaxa, wuxuuna xukuumadda ka dalbaday iney doorashada waqtigeeda ku qabato oo aan wax dib u dhac ah sameyn.

“Annagoo dhawraynaya Ballankii aanu la galnay Guddidii Is xilqaantay, waanu hakinnay Mudaharaadkii Sabtida aanu iclaaminnay..,” waxaa sidaasi yiri Gudoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More