Mudadii guddiga Xallinta khilaafaadka u qabtay inay go’aan uga gaaraan Kursiga #HOP067 oo dhamaatay

Mudadii tobanka maalmood ahayd ee Guddiga xallinta khilaafaadka u qabteen inay go’aan uga gaaraan muranka ka taagan #HOP067 ayaa dhamaatay.

Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Taliyaha KMG NISA Yuusuf Cabdulaahi Maxamuud Farey, iyadoo Oday dhaqameedka saxiixaha kursiga uu ku tilmaamay doorashada kursigaas in aan loo marin habraacii saxda ahaa.

Guddiga ayaa la kulmay qeybaha ay saameyso kursigan waxaana laga filayaa inay go’aan ka gaaraan iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in go’aankan uu yahay mid lagu ogaanayo cadaaladnimada guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddiga ayaa hore waxa ay go’aan uga gaareen labo kursi oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo halka kursiga maanta la sugayo in lagu dhawaaqo natiijadiisa deegaan doorashadiisu ay tahay magaalada Dhuusmareeb maamulka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More