Musharax Ruto oo beeralayda Kenya u sheegay in qaadkooda ay geyn doonaan Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, oo ah musharax xilka Madaxweynaha dalka kenya oo maalmihii la soo dhaafay ololahiisa doorasho ka waday gobolka jaadka uu ka baxo ee Meru ayaa waxaa uu sheegay in hadii loo doorto xilka Madaweynaha uu heshiis la gaari doono dowlada Soomaaliya.

Ruto ayaa beeralayda Qaadka ka ballanqaaday inuu kordhin doono wax soo saarka Qaadka sidoo kalena uu wadahadal la gali doono Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan sidii qaadka Kenya loogu fasixi lahaa dalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u joojisay in la keeno qaadka ka baxa dalka Kenya oo si weyn looga isticmaali jirey dalka Soomaaliya.

Beeralayda kenya ayaa qasaare badan kala kulantay kadib markii xukuumada Soomaaliya ay joojisay keenista qaadka ka baxa Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More