Putin oo ku amray Ciidamadiisa inay weeraraan Ukraine

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in la weeraro wadanka Ukraine gaar ahaan gobolka Donbas.

Hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushka uu weerarayo kaabayaasha militariga ee dalkiisa iyo ilaalada xuduudaha, laakiin wuxuu ku booriyay muwaadiniinta inaysan argagixin isagoo wacad ku maray guul.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in hub sax ah lagu bartilmaameedsanayay kaabayaasha milatariga Ukraine.

“Kaabayaasha militariga, xarumaha difaaca hawada, garoommada militariga, iyo ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa lagu naafeeyay hub aad u sareeya,” wasaarada difaaca ayaa ku tiri hadal ay siiyeen wakaaladaha wararka ee Ruushka.

Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa cambaareysay weerarka Ruushka ee Ukraine, waxayna wacad ku martay inay Moscow lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la hadlay dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy wax yar ka dib markii Ruushka uu weerar ku qaaday Ukraine, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa u sheegay shir deg deg ah oo golaha ammaanka uu yeeshay in hawlgalka militari ee Moscow ee ka dhanka ah Ukraine uu bartilmaameedsanayo ee awoodda Kiyv. Guterres ayaa ku booriyay Ruushka inuu joojiyo gardarrada Ukraine.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More