Musharaxiin ku eedeysay Madaxweynaha Galmudug inuu boobayo kursiga #HOP067

Musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan #HOP067 ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxay ku sheegeen inay ka war heleen in Madaxweynaha Galmudug uu kursigaas u boobayo Sarkaal ka tirsan Nabadsugida, isla markaana ergo aan beesha aheyn si qaldan lagu soo xulay, arrinkaas oo baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.

Sidoo kale Musharaxiintan ayaa diiday mudada labada maalmood ee loo qabtay inay isku diiwaan geliyaan, iyadoo aysan diyaar aheyn Guddigii soo xuli lahaa Ergada wax dooran laheyn.

 

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiintan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More