Muuse Biixi oo Isku Shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Nov 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilalkii ugaga qaaday qaar ka mid ah golihiisa wasiirada isagoo sidoo kale sameeyay isku shaandheyn xubnaha golihiisa wasiirada.

Wasiirrada uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Suufi, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Cabdi Cismaan Dhaga-weyne iyo Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Albaani.

Akhriso; wareegtada Madaxweynaha Somaliland uu soo saaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Isku-bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.

10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More