Shaqaalaha Isbitaalka Alshifa oo lagu qasbay in meydadka ay isbitaalka ku dhex aasaan

Nov 14 (Jowhar.com)- Agaasimaha isbitaalka Al-Shifa Mohammad Abu Salmiya ayaa sheegay in isbitaalka lagu qasbay in lagu aaso 179 qof, oo ay ku jiraan caruur iyo bukaano ku dhintay qeybta daryeelka degdega ah, xabaal wadareed gudaha dhismaha isbitaalka.
Wariye la shaqaynaysay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in urka maydadka go’aya uu yaallo meel kasta oo xarunta ah.

Weriyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf ayaa la hadlay qof ku sugan isbitaalka oo sheegay in taangiyada ay ku hareereysan yihiin cisbitaalka dhinac walba, isla markaana aysan suurtagal ahayn in gudaha iyo dibadda loo galo isbitaalka.

Israa’iil ayaa Xamaas ku eedaysay in ay ka dhistay xarumaha caafimaadka bar ay ka maamulaan dagaalka, eedaymaha ayaa Xamaas iyo shaqaalaha caafimaadka labaduba beeniyeen.

Hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ayaa sheegtay in shidaalka uu dhammaan doono berrito isbitaalada magaalada Qaza.

200,000 oo qof oo kale ayaa ka qaxay waqooyiga Qaza 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, sida Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo dagaal ba’an oo u dhexeeya dagaalamayaasha Xamaas iyo ciidamada Israa’iil ay ka socdaan agagaarka isbitaallada halkaas oo bukaannada ay ugu dhimanayaan tamar yaraan iyo saadka oo sii yaraanaya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (Ocha) ayaa sheegay in hal isbitaal oo kaliya oo ku yaala kala bar waqooyi ee marinka Qaza ee go’doomiyay ee al-Awda uu wali koronto leeyahay uuna awooday in uu qaabilo bukaano.

Gantaalo lagu soo ridey magaalada Eilat ee ku taal badda cas ayaa ciidamada Israiil sheegeen inay hawada ku qarxiyeen.
Xuutiyiinta Yemen ee taageersan Iran ayaa gantaallo ku garaacay Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka qarxay.

Dhisme ayaa lagu weeraray weerar diyaarad aan duuliye lahayn usbuucii hore oo ku yaal Eilat, oo ah kii ugu horreeyay ee ka baxsada nidaamka difaaca Israel ee magaalada tan iyo bilowgii dagaalka.

Dhinaca kale Saddex qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii gantaallo laga soo ridey magaalada Qaza lagu garaacay Tel Aviv Tirada dadka ku dhaawacmay gantaallo laga soo tuuray Qaza kuna sii jeeday Tel Aviv goor hore ayaa gaadhay saddex qof. Mid ka mid ah ayaa ku sugan xaalad halis ah.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ku hayaan Israa’iil, ayna doonayaan inay beegsadaan maraakiibta Israa’iil ee ku sugan badda cas iyo marinka Bab al-Mandab. Waxaana
Gargaar bini’aadantinimo oo Talyaanigu u soo diray Qaza ayaa soo galaya aaggaas, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay hogaamiso ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 11,000 oo falastiiniyiin ah ay ku dhinteen tallaabada militariga Israa’iil tan iyo markii Israa’iil ay ololaheeda ka bilowday Gaza.

Waxaa caawa ka da’aya roob xoogan magaalada Qaza iyadoo kumanaan ruux ay hoyanayaan teendhooyin iyo banaanka isbitaalada ku yaal Qaza.

Dadka barakacayaasha ah ayaa muddo aad u dheer la tacaalayay sidii ay cunto iyo biyo u heli lahaayeen, waxayna hadda la tacaalayaan sidii ay u heli lahaayeen meel ay ka galaan roobka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More