Muuse Biixi oo shaaciyay xiliga ay ciidamaddiisa ka baxayaan Laascaanood.

Jan. 03 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo maanta hadal ka jeediyey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay ku filan tahay xallinta shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mr. Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in marka ay magaaladu degto ay ciidanku ka baxayaan.

Wuxuu sidoo kale eedeyn u soo jeediyey maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay dagaal iclaamiyeen. Wuxuu kaloo intaas ku daray in dawladda federaalka ee Soomaaliya ay ku lug leedahay hurinta xiisadda.

“Maanta anagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaananu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, isaga oo u digay siyaasiyiinta qaarkood iyo maamulka Puntland ee ku baaqay in Somaliland ay ka baxdo Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More