Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Gobolka Oregon eee dalka Mareykanka

Mar 31 (Jowhar.com) –Magaalada Portland Gobolka Oregon eee dalka Mreykanka waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo dilkan ay sii kordhisay cabsida ay dareemayaan qoysaska Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shaani Maxamed ayaa u shaqeynayay Shirkadda Gaadiidka ee Uber,iyadoo meydkiisa laga helay meel aan ka fogeyn halka uu yaalay gaarigiisa oo kamid ah Gawaarida qaada dadka rakaabka ah.

Booliska Magaalada Portland Gobolka Oregon dalka Mreykanka ayaa durba bilaabay baaritaanada dilka marxuumka, iyagoo su’aalo weydiiyay dad ka agdhawaa goobta dilka, ehelka marxuumka iyo qaar kamid ah maamulka Shirkadda Gaadiidka ee Uber ee uu u shaqeynayay, iyagoo wali aaney soo bandhigin sida uu dilkan ku yimid.

Shaani Maxamed oo 39 sano jir ahaa ayaa ifka uga tagay sideed caruur ah iyo hooyadood, waxaana dadka ay hadal hayaan sida ay ku timid dilkan, goob joogayaal waxey sheegeen in danbiilaha uu goobta ka baxsaday kadib markii dilkan uu geystay, waxeyna laamaha amniga heleen cadeymo ay ka tixraaci karaan baaritaanadooda.

Waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Canada ayaa qaarkood bilaabay iney caruurtooda ula soo cararaan dalalka Turkiga,Kenya iyo Soomaaliya, waxaana walaac ku heysa dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaalida ah, iyadoo aan jirin wax ka hortag ah oo ay sameynayaan booliska dalalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More