Muxuu ahaa Ujeedka wafdi ka socday Dalka Qatar oo dhawaan Muqdisho yimid?

Sept. 17 (Jowhar.com)-Wafdi ka socday Hay”dda Qatar Charity ee laga leeyahay dalka Qatar kana shaqeysa arrimaha samafalka dalalka caalamka ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ujeedkoodi isugu jiray la kulanka madaxda DFS iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba isugu jirtay.

Ugu horeyn wafdigaasi oo uu hoggaaminayay safiirka Qatar ee Somalia Xasan Bin Xamsa qeybna ka ahaa Nawaf Alhamadi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, iyagoo ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka,isagoo xusay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan xaaladda ka sii darin.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar charity ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka Dowladda ayaa si wadajir ah u dhagax dhigey dhismaha qeybta Emergency-ga ee Isbitaalka Martiini.

Hey’adda Qatar Charity ayaa fulin doonta Mashruuca dhismaha qeybta gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Martiini xilli Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho dhanka adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshad oo ay Wasaaradda Caafimaadka u dhaba xaareysa dhameystirka Barnaamijka adeegga Caafimaadka oo gaarka goob kasta.
Intaasi kadib wafddigaasi oo uu hogaaminayay safiirka Qatar Xasan Bin Xamsa ayaa gaaray magaalada baydhabo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha KG C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen,iyagoo si wada jir ah u soo dhagaxy dhigay mashaariic horumarineed oo isugu jirka, guryo laga dhismayo Baydhabo, xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho, mashruucaasi oo ay hirgelin doonto Hayádda Qatar Charity.

Ugu dambeyntii waxay magaalada Muqdisho kaga qeybgaleen wafdigaasi munaasabada lagu dhiirogeliyay ilaa 100 arday oo dhameysatay waxbarashada heerka Jaamacadeed, kuwaasi oo ay gacan siinayso hay’’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya, iyagoona dib ugu laabtay Dalkooda.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, dhinacyada mashaariicda horumarineed, dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowladnimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More