Muxuu safiirka Imaaraatka Carabta u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh?

Sept. 11 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay Mudane Maxamed Al-Othman, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa dhinacyada kala duwan.

Kulankaan ayaa ahaa kii Shanaad ee safiirka Imaaraadka la yeesho madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May 2022.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday uu soo celiyay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More