Nabadoon caan ah oo lagu dilay Laascaanood iyo banaanbax maalintii 4aad socda.

Dec. 30 (Jowhar.com)-Maalintii afraad ayaa mudaharaadyo ka socdaan magaalada Laascaanood, iyadoo Ciidamada amaanka ay ridayaan rasaas si ay mudaharaadka u joojiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in Bidde Faarax Caalin, oo ka mid ahaa Odayaasha magaalada uu ku geeriyooday rasaas la sheegay in ay rideen Ciidamada Somaliland.

Marxuumka ayaa dhawaan ka soo gurya noqday dalka Mareykanka, iyadoo geeridiisa si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada ee Internetka.

Ganacsiga magaalada ayaa xiran ilaa maalintii mudaharaadku bilowday, iyadoo dadka ay wataan boorar ay ku xardhan yihiin erayo ka dhan ah maamulka Somaliland

Dhinaca kalena laba Isuduwe ayaa maanta sheegay in ay xilkii iska casileen kuwaas oo kala ah Xanan A. Warsame, oo ahayd Isuduwihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Hafsa Dualleh, oo ahayd Isuduwii Maamul wanaaga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More