Nabadoono lagu laayay qarax culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Sept. 17 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo Miino ah, kaasoo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo uu ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow deegaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde, iyadoo uu sababay dhimashada 4 ruux oo saddex kamida ay ahaayeen nabadoono iyo wiil uu dhalay mid kamida nabadoonada geeriyootay.

Meydadka dadka geeriyooday iyo dhaawaca shaqsi kale oo xaaladiisa laga deyrinayo ayaa la geeyay degmada Buulo-burde, 4ta qof ee geeriyootay ayaa kala ah;

1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2- Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
3- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More