Nin dil argagax leh ka geystay masjid ku yaala Muqdisho oo gacanta lagu soo dhigay

Mar. 30 (Jowhar.com)-Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen nin loo heysto dilka Imaamka masjid ku yaala duleedka magaalada Muqdisho iyo dhaawaca mu’adinkii masjidka.

War qoraala oo kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ninkan oo baxsad ahaa lagu qabtay degmada Warta-nabada, isagoo dilka oo dhacay shalay uu u adeegsaday baangad.

“Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Wartanabadda ayaa saaka gacanta kusoo dhigeen Eedaysane gacan ku dhiigle ah oo lagu Eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka Masaajid ku yaala Deegaanka Garasbaaleey, halka Sidookalana uu dhaawacay Mu’adinkii Masaajidka taariikh markay ahayd 29-Kii Bishaaan Maarso Abaaro 7: 10AM” ayaa lagu yiri warka booliska.

Eedeysanaha oo tabliiq masjidka wax ka joogay ahaa ayaa haatan loo gudbinayaa hay’adaha garsoorka si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan waxa ku kalifay falkan argagaxa leh.

“Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday Baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay Masjidkana uu Moddo wax ka joogay Si loo xaqiijiyo sababta ku kaliftay dilka, cadaaladdana loo waafajiyo eedaysana ayaa waxaa ku socota baaris” ayey booliska hadalkooda sii raaciyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More