Nin ganacsade ahaa oo lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Dec. 04 (Jowhar.com) -Rag hubeysan ayaa xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay nin ganacsade ahaa.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekeeye waxaa dishay koox la sheegay iney dooneysay iney ka dhacaan tilifoon uu watay, sida ilo war gal ah ay sheegayaan.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa durba goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaasi tagay ciidamadda amniga, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta kusoo dhigaan ragii falkaasi dilka ah ka danbeeyay.

Marxuum C/raxmaan Sheekeeye ayaa ahaa wadaad caan ka ah duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo baraha bulshada ay qabsatay tacsida wadaadkan oo sidoo kale ganacsade ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More