Nin Itoobiyaan ah oo xalay dil ka geystay magaalada Hargeysa iyo booliska oo soo qabtay.

Nov. 27 (Jowhar.com) -Nin ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee Itoobiya ayaa xalay magaalada Hargeysa ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo da’diisa lagu sheegay 22 sano jir.

Sida ay shaaciyeen booliska Somaliland, dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay
Hoteelka Guuleed ee magaalada Hargeisa hortiisa, iyadoo marxuumka dilkiisa loo adeegsaday Feer iyo Jilib, sida boolisku sheegeen .

“Ciidanka Booliska JSL  ayaa caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ifsa Axmed Shariif oo ku eedaysan ina uu dilay Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah, eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay marxuumka feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeisa hortiisa” ayaa lagu yiri warka booliska ka soo baxay.

Ciidamadda amniga ayaa sheegay in ninkan Itoobiyaanka ah uu dilka kadib goobta isaga baxsaday, balse lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen laamaha amaanka.Nin Itoobiyaan ah oo xalay dil ka geystay magaalada Hargeysa iyo booliska oo soo qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More