Nin Shabaab ugu qornaa inuu is qarxiyo oo isu soo dhiibay dowladda

Sep 13 (Jowhar.com)-Xasan Mustaf Dhaayow oo loo yaqaano (Shiniyey) ayaa isku soo Dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka ee Fadhigoodu yahay Degaanka Goof- guduud Buurey, oo uu ka howlgalo ururka 46-aad,Guutada 8-aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Shiniyey ayaa tababar kusoo Qaatey Degmada jilib ee Gobalka Jubbada Dhaxe, sidoo kale Wuxuu ka tirsanaa Machadka isqarxinta Khawaarijta oo uu ku jirey muddo 9 Bilood ah.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ninkan uu isaga soo toogay koxoda shabaab, isagoo ka faa’ideysanaya cafiska loo fidiyay saraakiisha iyo maleeshiyaadkaada kooxdaasi.

Inta uu socdo gulufka ka dhanka ah Shabaab waxaa xoogeystay xubnaha kooxdaasi ee isu soo dhiibaya dowladda waxaana lagu xareeyaa xerooyinka dhaqan gelinta loogi sameenayo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More