Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Sep 13 (Jowhar.com)-Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari waxyaabbaha qarxa lagu soo rarray lagu weerarray bar koontorool oo ku taalla degmada Dayniile oo ay joogeen ciidanka boliis milataaro ee suga amniga caasiamadda.

Gaariga qaraxa siday oo uu waday qof natisa dilaya ayaa lala beegsaday halka ay joogeen ciidanka, waxana halkaas ku dhaawacmay 7 askari iyo qof rayida sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo deegaanka ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, iyadoo intaa ku dartay in mid kamid ah dhalintooda is qarxisa uu weerarkaas gaystay.

Illaa hadda ma jiro wax warbixin ah oo boolisku ka bixiyay qaraxa ka dhacay Dayniile, waxaase la filayaa in goordhow war saxaafadeed ay qabtaan.

Billihii ugu dambeeyay waxa Al-Shabaab ku adkaatay, in gawaarida qaraxyada sida ay soo galiyaan gudaha magaalada, waxana la kordhiyay barraha amniga ee lagu hubiyo gaadiidka soo galaya caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More