NISA oo howlgal culus ku qabatay Shabaabkii ugu badnaa oo ku dhuumaaleysanayay Baydhabo

May 09 (Jowhar.com)- Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaashii ugu badnaa oo ka tirsan Khawaarijta, kadib howlgallo culus oo ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay soo qabteen 12 xubnood oo la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, kuwaas oo qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baada ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xiliyada habeenkii ah.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in lagu guuleystay burburinta shabakado halis ku ahaa shacabka oo ka tirsanaa Khawaarijta, mana ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale xididada loogu siibay dhagarqabaasha dhuumaaleysiga ku jooga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee ka soo haray fikirka guracan ee Khawaarijta, waxaana dhalinyarada ugu badan ee isisoo dhiibayaasha ah laga diiwaan geliyey deegaanada K/Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More