NISA oo shaacisay inuu socdo qorshe lagu dili rabo Farmaajo iyo Rooble

April 05 (Jowhar.com)- Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay digniin aan caadi eheyn, taasoo ay ku sheegtay inuu socdo qorshe kooxda Al-Shabaab ay ku dooneyso iney ku disho madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul waaaare Rooble.

Qoraal ku qornaa Soomaali oo lagu daabacay twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in fulinta howshan uu Hormuud ka yahay shaqsi ay ku magacawday Maxamed Maahir, kaasoo ay hay’ada baaritaano ku heyso.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin, waxaana jira shaki ku aadan in qorshahan lala damacsan yahay Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More