NISA oo sheegtay iney gacanta kusoo dhigtay nin Shabaab hubka iyo qaraxyada dibadda uga soo iibin jiray

Sep 29 (Jowhar.com)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay iney gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ay she3legtay inuu Shabaab uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.

Sida NISA ay sheegtay, Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha argagixisada ah ee gudaha Soomaaliya!

Mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa sheegay in Sakariye uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada laguna soo dhex qariyay shixnado ganacsi kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doona Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More