NISA oo xabsiga dhigtay mas’uul ka tirsan Sh.Dhexe oo loo heyso dil ka dhacay Warsheekh.

Dec. 02 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamadda Nabad Sugida ay xabsiga dhigeen Faarax Kuulow oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Sh.Dhexe.

Xarigga mas’uulkan ayaa salka ku haya dhacdo foolxun oo todobaadkan ka dhacday duleedka degmada Warsheekh, halkaasoo maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan ay dil wadaraeed u geysteen laba dumar ah iyo ilmo yar oo saqiir ahaa.

Baaritaano hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in weerarkaasi ay fuliyeen ninka la soo xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay, waxaana la tilmaanay in loo haysto inuu leeyahay hubkii lagu dilay dadkaasi shacabka ahaa.

NISA ayaa Faarax Kuuloow oo sidoo kale xubin ka ah Golaha degaanka ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe siisay mudo uu gacanta hay’adaha amniga ugu soo galiyo ilmihiisa weerarkaasi geystay, taasoo uu ku guuldareystay.NISA oo xabsiga dhigtay mas’uul ka tirsan Sh.Dhexe oo loo heyso dil ka dhacay Warsheekh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More