Pakistan oo  ka caawineyso Soomaaliya Sayniska, Tignoolajiyada, Difaaca iyo Diblomaasiyadda

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibbada Pakistan Shah Mahmood Qureshi iyagoo ka wadahadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Pakistan.

Kulankan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibada Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa waxa uu kulan ka sheegay in iskaashi dhinacyo badan leh ay la yeelan doonaan dowlada Soomaaliya.

Wasiir Qureshi ayaa sheegay in Pakistan ay Soomaaliya kala shaqeyn doonto dhinacyada Sayniska, Tignoolajiyada, Difaaca iyo Diblomaasiyadda.

Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in dhawaan la soo gabagabeyn doono is-afgaradka wada-tashiga siyaasadeed ee labada dal.

Wuxuu sheegay Pakistan inay ka go’an tahay inay kordhiso ganacsiga labada dhinac ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Munaasabadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Pakistan uga mahadceliyey qabanqaabada shirka caadiga ah ee dalalka OIC.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa kulankan ka sheegay inay xukuumada Soomaaliya soo dhoweyneyso iskaashi walba oo dhex mara labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More