Puntland iyo Jubbaland oo la filayo in qorshe cusub ee doorasho goor dhow ku dhawaaqaya

Wararku ka imanaya magaalada Garowe ee waxaa ay sheegayaan in Axmed Madoobe iyo Deni ay isku raaceen qorshe la xariira doorashada Baarlamaanka aqalka hoose, kaasi oo sii adkeyn kara qabashada doorashada Aqalka Hoose.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay inay isla garteen qodob la xiriira in Doorashada Golaha Shacabka lagu koobo hal magaalo oo keliya.

Wararka ayaa wax ay sheegayaan in sababta ugu weyn ee arrintaas ay ku doorteen ay tahay magaalooyinka qaar sida Garbahaarey aysan macquul ahayn in doorasho ka dhacdo, sababo la xiriira amni darro iyo duruufo kale awgood.

Lama oga sida ay ka yeeli doonaan maamulada Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed qorshahan cusub ee la xiriira in hal magaalo doorasho lagu soo koobo deegaan doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More