Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Degmada Cabdul casiis ee magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga kajaray dib udhiska lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis si loo ballaariyo adeegyada uu maamulka degmada gaarsiiyo bulshada degaanka.

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee degmada si uu qiimeeyo fulinta mashruucan iyo tayadiisa isagoo mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee xaruntan iyo adeegyada lagu bixin doono, iyadoo dadka baahiyaha gaarka qabo loo sameeyay goob ay isticmaalan hadii ay adeeg usoo doontan xarunta degmada.

Duqa magalaada Muqdisho ayaa hore sidan oo kale xariga uga  jaray dhismooyin cusub iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha maamulka degmooyinka gobolka Banaadir,

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More