Puntland oo ku dhawaaqday iney u dhaqmeyso sida dowlad madax banaan

Jan. 09 (Jowhar.com)-Dowladda Puntland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay ku caddeyneyso inay tahay dowlad gaar ah oo ka madaxbannaan dowladda Federaalka.

Qoraal rasmi ah oo Galabta  ka soo baxay Xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Waxaa murtiyeedka lagu yiri “Puntiland waxay Xaq u leedahay inay u dhaqanto sidii dawlad u madaxbannaan fulinta waajibaadyadeeda dawliga ah”.

Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya in ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan danbe khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More