Qaar ka mid ah sanaadiiqdii codbixinta doorashada Kenya oo dib loo tirinayo.

August 31 (Jowhar.com)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 15 goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandaruagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta lagu sameeyo 48 saacadood gudahood.

Madaxa caddaaladda ee dalka Kenya Martha Koome ayaa sheegtay in marki ay tixgaliyeen doodda ay soo bandhigeen Raila Odinga iyo qareenadiisa ay garsoorayaashu soo saari doonaan go’aan ku saabsan dhowr su’aalood.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale eegi doonta haddii ay jirto kala duwanaan codadka guud ee la dhiibtay ee musharixiinta madaxweynaha iyo jagooyinka kale ee doorashada, sida guddoomiyeyaasha iyo senetarada.

Sidaas oo kale, garsoorayaasha ayaa eegi doona in Ruto uu helay in ka badan 50% codadka – oo ah shuruudaha looga baahan yahay in looga fogaado doorasho kucelis ah – iyo haddii ay jiraan wax isdabamarin iyo khaladaad ku yimid habka tirinta oo saameyn ku yeelan kara natiijada.

Odinga ayaa ku loolamaya natiijada rasmiga ah ee doorashada ee looga adkaaday cod yar. Ruto ayaa helay 7.1 milyan oo cod, halka Odinga uu helay 6.9 milyan.

Odinga iyo kooxdiisa ayaa aaminsan in doorashada loogu shubay Ruto, iyadoo lagu eedeeyay in ay gacan ka heleen qaar ka mid ah saraakiisha doorashada iyo guddoomiyaha guddiga doorashada ee IEBC Wafula Chebukati, arrintaas oo guddoomiyuhu uu beeniyay.

Dhageysigii dooddan ee Talaadadii, ayaa qareennada ka socda labada dhinacay ee iska soo horjeedy isku khilaafeen cidda xaqa u leh in ay matasho IEBC, inkastoo ay maxkamaddu sheegtay in ay aqbali doonto doodda dhammaan guddiyada.

Dhageysiga dooddan ayaa la filayaa inuu socdo ilaa Jimcaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More