Qarax Ismiidaamin ahaa ka dhacay maqaaxi ku taala gobolka Sanaag.

Sept. 11 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in goordhow qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala halkaasi.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday dad fadhiyay maqaaxi lagu caweeyo oo ku taala deegaanka Milxo.

Waxaa la soo warinayaa khasaare kala duwan uu ka dhashay weerarkan, iyadoo goobta weerarkan uu ka dhacay ay tahay qeybta gobolka Sanaag ay ka arrimiso maamulka Puntland.

Wixii soo kordha halkan kala soco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More