Qarax lala eegtay kolonyo gaadiid uu watay gudoomiyaha Hiiraan iyo khasaare ka dhashay.

June 27 (Jowhar.com)-Inta ka xaqiijiyey 3 ruux ayaa ku dhimatay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari NOHO ah oo ay saarnaayeen Qarax Miino kula kacday Duleedka deegaanka Qabno oo ka tirsan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay ayaa is kugu jiray Wadahii gaariga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadoow iyo labo qof oo kale , halka ay dhaawacto yihiin Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle.

Dhaawaca saddexda qof ayaa loo qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si diyaarad loogu soo qaado magaalada Muqdisho oo loogi dabiibo xaaladooda caafimaad.

Gaariga Miinada la kacday ayaa kamid ah Kolonyo gaadiid ah oo la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiaan Cali Jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Qeeybta 27aad oo howlgal ka wado inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan Mudooyinkii danbo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More