Qarax qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay meel ku dhow hoteel guuleed degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid lala beegsaday gaariga guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow.

Hase yeeshee xilligii guddoomiye Shiilow ayaan la socon gaariga markii qaraxa uu dhacayay.

Ugu yaraan shan ruux oo isugu jira askartii saarneyd gaariga iyo dad rayid ah ayaa dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxan ayaa ah kii labaad oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo saaka qarax lala eegtay gaari uu leeyahay maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ay ku xirnaayeen makaroofano dadka ka wacyi-galinayay khatarta xanuunka Coronavirus waxaana ku dhintey darawalkii waday gaariga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More