Madaxweynaha Uganda oo waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Safiirka J. F. Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More