Qarax xooggan oo lagu weeraray maqaaxi ku taala magaalada Beledweyn

Mar. 08 (Jowhar.com)-Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qarax oo ahaa miino uu si gaar ah uga dhacay Maqaayad ku taalla Xaafada Xaawo taako ee Magaalada Baladweyne, iyadoo qaraxa si weyn looga maqlay xaafado kamid ah xarunta gobolka Hiiraan.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadka wax noqday, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dadka Wax ku noqday qaraxa loo qaaday goobaha Caafimaadk oo Magaaladaasi Ku yaalla.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta oo xirtay, waxeyna wadaan howlgalo la xiriira soo qabashada kooxihii weerarkan ka dambeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More