Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK iyo Boqor Charles oo kulan gaar ah yeelanaya.

Oct. 25 (Jowhar.com) -Rishi Sunak ayaa noqonaya Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka UK isagoo beddelaya Liz Truss oo iscasishay toddobaadkan ka dib markii qorsheyaashii dhaqaale ee ay wadatay ay shaqeyn waayeen.

Boqor Charles ayaa rasmi ah xilkaasi ugu magacaabi doono maanta oo talaada ah isla marka ra’iisal-wasaaraha xilka ka sii degaya ee Liz Truss ay is-casilaaddeeda u gudbisay boqorka.

Rishi Sunak ayaa u safri doonaa qasriga Buckingham isagoo halkaa kula kulmi doono boqorka oo kusoo dhaweyn doono in uu soo dhiso xukuumad cusub.

Sunaka ayaa intaa kadib kusoo laaban doonaa xarunta Downing Street isagoo khudbad ka jeedin doono halkaas.

Waxaa isha si weyn loogu hayaa xukuumadda uu soo dhiso doono ninka Ra’iisul Wasaaraha ka noqonaya UK.

Rishi Sunak ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Britain la wareegaya xilli dalkaasi u wajahayo dhibaatooyin dhaqaale, kuwaa oo caqabad ku noqday hoggaanka xisbiga muxaafidka ee Ingiriiska, keentayna in loo baahdo isbedel siyaasadeed.

Rishi Sunak ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii ugu da’da yaraa ee soo mara UK muddo ka badan 200 sano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More