Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo booqasho ku tegey magaalada Mekelle

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa booqday magaalada xarunta u ah ismaamulka Tigrey ee Mekelle markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamada federalka Ethiopia qabsadeen 29kii bishii aynu ka soo gudubnay.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu Abiy Ahmed ku sheegay in uu kula kulmay Mekelle taliyaasha ciidamada milatariga iyo maamulka cusub ee gobolka Tigrey dhowaan ay u sameysay dowlada Ethiopia.

“Biyihii iyo korontadii dib ayay ugu soo laabteen Mekelle,ciidamaduna waxa ay ku raadjoogaan madaxdii jabhadii TPLF.”ayuu qoraalkiisa ku sheegay Abiy Ahmed.

Booqashada Abiy ee magaalada Mekelle aya ku soo beegantay xilli uu caasimada dalka Ethiopia uu gaaray ra’iisul wasaaraha Abdalla Hamdok isagoo doonayay inuu heshiis xabad joojin ah dhex dhigo dowlada Ethiopia iyo ururka TPLF.

Hase yeeshee dowlada Ethiopia ayaa ku gacan seyrtey iyadoo sheegtay inuusan jirin dagaal socda loona baahneyn xabad joojin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More