Dowladda Soomaaliya oo warqad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ka dhan ah oo cabasho ah ka gudbisay dowladda Kenya oo ku aadan faragelinteeda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, kaddib tallaabadii maanta ay Kenya dalkeeda ku martiqaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kooban oo lagu qoray barta Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Warka qoraal ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shir uu qaban doono Urur Goboleedka IGAD oo 20-ka bishan ka dhici doono dalka Jabuuti looga hadli doono arrintan.

Soomaaliya ayaa bishii hore u yeeratay Safiirkeedii u joogay Kenya, halka Safiirkii Kenya ku wargelisay inuu dalkiisa ku laabto, tallaabadaas oo loo arkayay mid dowladdu ay hoos ugu dhigtay xiriirkii Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi galay, sanadkii hore, xilligaasoo Kenya u yeeratay safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto, kaddib bandhigii ka dhacay London ee lagu soo bandhigayay daraasadii iyo xaraashkii shidaalka Soomaaliya ee dhulka badda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More