Ra’iisul wasaare Rooble oo ka soo dagay garoonka Muqdsho, xili siyaasada kacsan tahay

April 27 (Jowhar.com) -Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay, ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Rooble ayaa ka soo laabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga soo qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

Rooble ayaa shirar gaar gaar ah durba ka bilaabay aagga Afisyooni, kulamada wuxuu la leeyahay saraakiisha ATMIS iyo wakiilada beesha caalamka, wuxuuna kala hadlayaa qabashada doorashada gudoonka golaha shacabka oo buuq daran uu ka taagan yahay.

Xubno kamid ah howlwadeenada baarlamaanka iyo bahda warbaahinta oo saaka tagay teendhada Afisyooni ayaa loo diiday iney galaan xerada, iyadoo ciidanka ATMIS u sheegeen ineysan maanta jirin wax doorasha ah oo ay xaafadohooda dib ugu laabtaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More