Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah

Ra’iisul Wsaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya, ka dib marki uu guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dunida ugu baaqay in deg deg loogu soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.
Qaramada Midoobay ayaa tododbaadkan sheegtay inay abaartu saamaysay 80% waddanka kadib markii saddex xilli oo isku xigta la waayey roobabkii.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay in xaaladda abaaruhu kasii dari doonaan bisha December ee soo socota iyo saddexda bilood ee ugu horreeya sannadka 2022-ka.

Abaarta ayaa la sheegay inay si daran ugu dhufatay gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka. Meelaha sida aad ah ay u saamaysay waxaa ka mid ah gobollada Jubada Hoose, Gedo, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo gobollo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More