Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta furay Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare.

June 18 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay qaadeyso.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fariisanaya ay tahay 35-kun arday, oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed ee kala ah Jubaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

25-Kun oo ardey ayaa Imtixaanka sanadan ku galeyso magaakada Muqdisho, waxaana loo diyaariyay 67 xarumood oo ku kala yaala degmooyinka gobolka Banaadir, Puntland ayaan ka qeyb galin Imtixaanka dowladda, iyagoo si gaar ah u qaada Imtixaanka ardeyda fasalka ugu danbeeya ee dugsiga sare dhameysa.

Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyey.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More