Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Fahad Yaasiin iyo Agaasime cusub oo uu magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin, isagoo si Kumeel gaar ah ugu magacaabay xilka Sareeye Guud Bashiir Goobe.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sababeeyay xil ka qaadista Fahad Yaasiin madax adeeg iyo inuu siyaasada ku milmay.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa la faray in muddo saddex maalmood gudahood uu xilka ku wareejiyo Agaasimaha cusub.

Sidoo kale waxaa la faray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida inuu baaro kiiska Ikraan Tahliil, isla markaana Maxkamadda awoodda leh iu horgeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More