Ra’iisul wasaare Xamse oo 3 qodob kala hadlay Culimada Soomaaliyeed.

August 23 (Jowhar.com-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo dhowr ah.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda, waxa uu Xamse kala hadlay culimada saddex arrin oo mihiimad gaara u leh xukuumadda Dan Qaran, kuwaasoo kala ah; gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.

“Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulankan oo ay soo agaasintay wasaarada Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradaas Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More