Ra’iisul wasaare Xamse oo James Swan kala hadlay xoojinta taageerada Q.Midoobe.

August 08 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya.

Wakiilka QM ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More