Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay qarixii Baydhabo ee lagu dilay wasiir ka tirsan K/Galbeed.

July 29 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee maanta lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xamse waxa uu sheegay in falalka argagixiso aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Weerarka oo dhacay salaadii Jimcaha kadib, waxaa wasiirka lala dilay wiil uu dhalay oo Darawal u ahaa, halka ay dhaawacyo daran qabaan laba wiil oo kale oo uu dhalay, kuwaasoo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Kooxda Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso deegaanada Koofur Galbeed, qaraxan kii kahoreeyay waxa ay 27kii bishan oo Arbacadii ku beegneyd ay ku dileen gudoomiyihii Marko Waafoow, halka saaka ay weerar madaafiic ku bioowday ay ku qaaday deegaanka Aato ee gobolla Bakool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More