Ra’iisul Wasaare Xamse oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Oct. 13 (Jowhar.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ka sagootiyay Xubno katirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya halka Wasiiro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale oo faah faahi ka bixiyay safarka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda ay dalka Itoobiya kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka looga hadli doono sidii looga hortegi lahaa qataraha kusoo wajahan Qaarada Afrika, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeedin doona shirka uu kaga hadli doono dhibaatooyinka xaga amniga ee kajira Somaaliya.

Ugu dambeyn Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale wuxuu sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta iyo madxda kale ee ka qeyb galeysa shirka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More