Ra’iisul wasaare Xamze oo la kulmay Guuleed,fariin culusna u dhiibay

Apr. 03 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay ka wada hadleen sida loo sii ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku boorriyay Ergeyga inuu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha Xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo salka ku haya xal u helidda iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga inuu xoogga saaro ka miro dhalinta hadafka Dowladda Federaalka ee ku qotoma in tabasho kasta oo jirta lagu wajaho wadahadal iyo isu garaabid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More