Raisi;”Waa in maxkamad la horkeenaa Trump loona qisaaso dilkii Soleymaani”

 

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay waajib ku tahay inuu wajaho cadaaladda kaalintii uu ku lahaa dilkii Jeneraal Qasem Soleimani oo labo sano ka hor lagu dilay, haddii kale Iran ay ka aargoosan doonto dilkaas.

Khudbad uu telefiishanka ka jeediyay Isniintii, ayuu madaxweynaha Iran ku sheegay in isaga oo ah “dambiilaha iyo dilaaga ugu weyn” ee amray weerarkii dhimashada lahaa ee Drones lagu qaaday kolonyada Soleimani ee Ciraaq, Trump waa in uu wajaho xukunka Ilaahay oo uu la kulmo qisaas.

Raisi ayaa ku baaqay in la sameeyo “maxkamad cadaalad ah” oo Trump iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo saraakiil kale oo Mareykan ah lagu xukumo laguna ciqaabo.

“Ha shakin, tanna waxaan u sheegayaa dhammaan dawladaha Maraykanka, in gacanta aargoosigu ay ka soo bixi doonto gacanta ummadda”.ayuu yiri Raisi.

Iran ayaa sheegtay in Soleimani, oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu awooda badan dalkaasi, uu ku sugnaa hawlo diblumaasiyadeed oo Baqdaad ah, kadib markii uu casuumaad ka helay dawladda Ciraaq, markii Maraykanku uu ku beegsaday meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad.

Waqtigaas, Iran waxay ballan qaaday aargoosi adag maalmo ka dibna waxay ku dhufatay in ka badan toban gantaal laba saldhig oo Maraykanku ku leeyahay Ciraaq kuwaas oo aan gaysan wax khasaare ah.  Arrintan   markii dambe go’aamisay in ciidamada Mareykanka ay si buuxda uga baxaan gobolka, taasoo ahayd hadafkii ugu dambeeyay, maadaama uu ballan qaaday inuu u aargudi doono dilka.

Dhanka kale Saraakiisha Garsoorka dalka ayaa balan qaaday in ay sii wadayaan dabagalka   dilalka qorsheysan ee ka dhacay goobaha ay ku sugan yihiin dadka iyo dalka dibadiisa. Iran waxa ay hore uga codsatay Interpol xiritaanka Trump iyo daraasiin saraakiil Maraykan ah.

Maxkamad maxalli ah ayaa la sameeyay Isniintii, waxaana mas’uuliyiintu ay ku casuumeen shacabka Iran inay si rasmi ah u diiwaan geliyaan cabashooyinka ay ka qabaan quwadaha shisheeye ee dilka Jeneraalka.

Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka inay soo saaraan go’aano ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil – oo saraakiisha Iran ay ku eedeeyeen inay gacan ka siiyeen weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – si loo cambaareeyo mustaqbalkana looga niyad jabiyo weerarro la mid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More