Raysal Wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Masar

Raysal Wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Masar.

Jan. 08 (Jowhar.com)-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Sidoo kale Hogaamiyaha Dalka ayaa isna halkaa ku tagaye boqasho 

Wasiirka koowaad ee xukuumadda waxaa socdaalkan ku wehlinaya wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo isna kulamo la yeelan doono dhigiisa dalkaasi oo uu kala hadli doono horumarinta waxbarashada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More