Rooble iyo Farmaajo

Nin oday ah aan shaqo wadaag ahaan jirnay gadaalkiina  kamid noqday Madaxdii  Dalka ayna isku qoys yihiin Rooble saaxiibna la ah Farmaajo  oo isku dayay inuu dhex galo labada oday.

 

Ayaa ii sheegay inuu Rooble u sheegay inuu diyaaar u ahay shuruud la’aan inuu la heshiiyo Famaajo laakiin aysan suura gal ahayn inuu la heshiiyo Ina Yasen oo uu waxa uu ka tabanayo hadday dhab tahay rooble garti tahay. R/W Rooble ayaa ku dooday inaysan suura gal ahayn inuu la heshiiyo Fahad laakiin ay aad suura gal u tahay inuu la heshiiyo M/W Farmaajo.

Waxaa la sheegaa Farmaajo inuu saaxiib la yahay oo kaliya Abey Axmed iyo Afawarqi , waxay aad u kala fogaadeen Dawladaha Carabta waxaa hoos u dhac ku yimid xiriirkii Xamar iyo Dooxa kadib markuu Egaygii Qatar Mudlaq Al-Qaxdaan uu ku guul daraystay inuu ku qanciyo Dawladda Xamar inay Nayroobi la heshiiso, arinka baddana lagu xaliyo banaanka Maxkamadda taasoo ay diideen Farmajo iyo Rooble labaduba.

Waxaa sidoo kale ay aad u kala fogaaday Xamar iyo London ka gadaal markii ay Villa Soomaaliya ka diiday No 10 qorshe ay ku doonayeen inay kula wareegaan Furdada iyo Madaarka Xamar  iyo in xariirka Ankarana hoos loo dhigo, waxaase la sheegayaa inuu R/W Rooble u ogolaaday in Ingriis maalgashi ku samaystaan Furdada Berbera oo uu horay Cumar Cabdirasheed Sharmaake ugu saxiixay DPW ta Imaaraadka waxaa haattan la wadaagi doona Shirkad Ingriiska oo ogolaansho ka heshay R/W Rooble.

Loolanka Geeska Afrika ayaa salka ku haya ganacsi , waxay Dawladaha warshaduhu aad u doonayaa in gobolku ka bixin liiska macaamiisha warshadahooda iyo wax soo saarka Dalalkooda ayagoo ilaashadana xasiloonida ganacsi ee Dalalkooda dadka Geeskana lagu wareeriyo xasilaani darri si aysan u kobcin wax soo saarka gobolka ,

Dawladda Qatar ayaa iyaduna ilaashanaysa Ninka kaliya ay ku leeyihiin Soomaaliya, booqashadii Khayre ee ugu dambaysay ee uu Doxa ku tago ayaa laga garan karay kala fogaanshada Wasiirka 1 aad ee xiligaas Khayre , waxay xoolo badan ku bixiyeen sidii loo ridi lahaa Khayre, waxaan sidoo kale xan ku maqlay inaysan doonayn soo laabashada farmaajo oo ay qaar badan saadaaliyeen .

Wasiir ka mid ah ragga aadka ugu soo hor jeedo Farmaajo oo aan xigto nahay ayaan waydiiyay wuxuu uga soo hor jeedo Farmaajo oo ii sheegay inuu isagu kudaray golaha Wasiirada ee uu haattan ka midka yahay ? wuxuu yiri Farmaajo waa kaligii, Abiy iyo Afarwaqi saaxiib aan ahayn ma lahan , Qatar dantay ka lahayd kamaysan helin oo  badda Kenya badh la siiyo ayay doonaysay sababtuna shirkadad ENI ayay 40% leeyihiin , sidoo kale shaldhig ciidanan kii ay Jabuuti kala bexeen  iyo 100km oo dhul beereed ah oo cid u ballan qaaday ay jirtay ayay Khayrre iyo Farmaajo si wada tashi ah u diideen inay bixiyaan sidoo kale dhul saran badda oo ay warshad kalluum inay dhistaan ayay dalbadeen waxaase lagu heshiin waayay saamiga ay Soomaaliya yeelanayso .

Ugu dambayn Rooble iyo Farmaajo waa heshiin karaan haddii Dalka iyo Dadka loo naxayo , sidoo kale Khayre iyo Farmaajana waa sii wada joogi kareen haddii aysan jiri lahayn gacan shisheeye oo buuxda  Baarlamaankana awood ku leh.

F Xiirane ( NSS 1976 -1991 )

Twitter  @fxiirane

fahiira@gmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More