Rooble oo kulankiisii u danbeeyay ee golaha wasiirada gudoomiyay.

June 21 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Mr. Rooble ayaa ka shakeeyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay dalka ka soo qabteen mudadii labada sano eheyd ee uu xafiiska fadhiyay, isagoo dhinaca kalena taabtay caqabadaha kaga imanayay dhinacyo uu kamid yahay madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo, wuxuuna ku faanay in iyadoo waxaasoo dhiba ay jireen uu dalka gaarsiiyay doorasho oo soo idlaatay.

Si kastaba, Ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in maalininada Arbacada ah la horgeeyo golaha shacabka, waxaana loo badinayaa in codka kalsoonida la siin doono, iyadoo intaasi kadibna uu si toos ah xafiiska u fariisan doono oo uu shaqada ugala wareegi doono Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More