RW Xamse iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah logu soo dhaweeyey dalka Qatar

Booqashadan ayaa astaan muhiim ah u ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.Wafdiga ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar, taasoo ka dhigan muhiimadda socdaalkan diblomaasiyadeed.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse ee dalka Qatar ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku guda jireen booqashadooda waxa ay wada-hadallo heer sare ah la yelandoonan dhiggooda Qatar, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha labada dal.

Wadahadaladu waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo kordhinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidoo kale isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha. waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay abuuraan iskaashi xooggan oo faa’iido u leh dhaqaalaha iyo dadka dalalkooda.

Booqashadan ayaa sidoo kale fursad u siisay ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa inay indhahooda ku arkaan horumarka xawliga ah iyo horumarka ay Qatar ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyay.

Isku soo wada duuboo, booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse ee dalka Qatar ayaa waxa ay salka ku haysaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More