RW Xamze oo kulan la yeeshay James Swan oo dhowaan xilka wareejinaya

Oct. 24 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan – hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More